5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 14, 2022
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Maanta la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Baay
 

Arbaco, December, 14, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay Saakay la wareegeen deegaano muhiim ah oo ka tirsan gobolka Baay.

Deegaanada ay la wareegeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 60-aad ayaa kala ah Daynuunaay iyo Moodo moodo oo kala hoostaga magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakada ee gobolka Baay.

Majirto wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen ciidanka dowladda Soomaaliya la wareegitaanka deegaanka Daynuunaay, kadib markii ay isaga baxeen halkaasi kooxda Al-shabaab ee labadii todobaad ee lasoo dhaafay ay ku sugnaa deegaankaasi.

Ciidamada huwanta ah ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay maanta deegaanka Moodo moodo oo ka mid deegaanada hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, waxaana lasoo wariyay in ciidamada ay halkaas ka sameysteen fariisimo cusub.

Dhaqdhaqaaqyadaan ay ciidamada kula wareegeen deegaanada Daynuunaay iyo Moodo moodo ayaa ka qeyb ka ah dagaalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada Koonfurta iyo Bartamaha dalka.