5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 14, 2022
Kenya oo qabatay nin Canada u dhashay oo qorsheynayay inuu ku biiro Alshabaab
 

Arbaco, December, 14, 2022 (HOL) - Bilayska dalka Kenya ayaa baaritaan ku haya nin ajnebi ah oo looga shakisan yahay inuu qorsheynayay inuu u safro Soomaaliya, si uu ugu biiro ururka Alshabaab.

Warbixin uu sii daayay Booliiska Kenya ayaa lagu sheegay in Ilyaas Cabdulxamiid oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Canada uu kusii jeeday dhanka Soomaaliya isaga oo sii maraya xuduudka Kenya iyo Tanzania si uu ugu biiro Al-Shabaab, isagoona damacsanaa in uu tababarto kadibna uu falal Argagixiso ka fuliyo Kenya iyo Itoobiya.

Ninkan oo lagu qabtay xeebta Diani oo koonfur 30KM ka xigta Mombasa, ayuu Booliisku sheegay in xogaha sirdoonka ay muujinayaan in horey loogu xiray Masar 2019, isagoo isku dayayay inuu ku biiro ISIS.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in tuhmanaha la rumeysan yahay inuu sidoo kale isku dayay inuu si sharci darro ah ku galo dalka Mareykanka balse laga hortagay.

Eedeysanaha ayaa booliiska dalka Kenya ka codsaday in aan loo musaafurin dalka Canada halkaas oo ay ka yaaliin eedeymo la xiriira falal argagixisanimo.

Kiiska ninkan ayay maxkamaddu dhegaysandoontaa saddexda Janaayo 2023.