5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 13, 2022
Somaliland oo ka hadashay wararka sheegaya in madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Xasan Sheekh kulmeen
 

Talaado, December, 13, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland DR. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa sheegay in aanu jirin wax kulan ah oo Jabuuti ku dbex maray madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiir Kayd oo warbaahinta Hargaysa kula hadlay kadib markii uu kasoo laabtay safar uu madaxweynaha ku weheliyay oo uu ku joogay dalka Jabuuti, ayaa sheegay in martiqaad aroos oo ay ka heleen madaxweyne Geelle ay Jabuuti ku tageen, isla markaana aanu jirin wax wada hadal ah oo dhex maray madaxweyneyaasha.

"Waa been madaxweynaha Somaliland lamuu kulmin madaxweynaha Soomaaliya, haba yaraatee wada-hadal layslama soo qaadin, wax ka jiraana ma jiraan, meesha siyaasad wax ahi kamay dhicin" ayuu yidhi wasiir Kayd.

Sawiro baraha bulshada ku baahay oo muujinayay madaxweyne Biixi iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo wada fadhiya xaflada arooska Haybado Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa bulshada ku abuuray shaki ah in labada dhinac wada-hadal siyaasadeed yeesheen.

Ergooyin ka yimid waddamada Turkiga iyo Norwey, ayaa todobaadadii ugu danbeeyay isku dayay in dib loo bilaabo wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, lakiin madaxweyne Biixi ayaa dib u bilaabashada wada-hadalada ku xidhay shuruudo ay kamid yihiin in Soomaaliya fuliso qodobadii kasoo baxay wada-hadaladii hore.

Wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo markii ugu horaysay bilaabmay sannadkii 2012, ayaa ku guuldaraystay in ay keenaan natiijo wax ku ool ah, iyadoo Somaliland xukuumadii hore ee Soomaaliya ku eedaysay in ay ka baxday heshiisyadii la gaadhay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]