5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 13, 2022
Faysal Cali Waraabe: Doorasho aan laysla ogolaynin Somaliland ka dhici mayso
 

Talaado, December, 13, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in guddida doorashooyinku ay usoo gudbisay jadwalka doorashada madaxweynaha oo kali ah.

Guddoomiyaha oo waraysi gaar ah siiyay idaacada BBC-da, ayaa sheegay in Guddida Doorashooyinka Somaliland usoo gudbisay jadwalkii doorashada madaxtooyada ee ay hore u sheegtay in ay 9 billood ku qabanayso.

"Koomiishanku wuxuu usoo bandhigay saddexda xisbi jadwalkii doorashada madaxweynaha lagu galayay ee ay hore u  shaaciyeen bishii October, ee ay yidhaahdeen 9 billood ayaanu ku qabanaynaa doorashadii madaxweynaha" ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in taageerayaashoodu u qaateen in mucaaradku ay ogolaadeen doorashada ururada lakiinse anay taasi jirin, oo anay marnaba ogolaanayn doorasho aan sharci ahayn.

"Taageerayaashayadu waxay moodeen in aanu ogolaanayn doorasho ururo, lakiinse waanu ka raaridanynaa oo waxaanu leenahay wax sharci ah oo doorasho ururo lagu galaa ma jiro, doorashada qudha ee dalka u taala ee sharciga ahi waa taa madaxweynaha" ayuu yidhi Guddoomiye Waraabe.

Guddoomiyaha ayaa ku hanjabay in Somaliland qas gali doonto hadii aan la qaban doorashada madaxtooyada, isaga oo sheegay in doorasho aan laysla ogolaynin anay Somaliland ka dhici doonin.

Mucaaradka iyo xukuumada ayaan wali ka heshiin khilaafka ka taagan ta soo horaynaysa doorashada madaxtooyada iyo doorashada ururada.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]