5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 13, 2022
Howlgal qorsheysan oo lagu dilay 30 ka mid ah dagaalamayaasha Shabaab oo ka dhacay deegaanka Oobaale
 

Talaado, December, 13, 2022 (HOL) - War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah iney ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab Galbeedka deegaanka Oobaale oo hoostaga degmada Mahadaay.

Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa la sheegay in howlgal qorsheysan ay ku dileen 30 ka mid ah dagaalamayaasha Shabaab oo ku sugnaa Galbeedka deegaaka Oobaale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Warkaan oo lagu daabacay warbaahinta qaranka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ay bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan Ururka Shabaab oo doonaayay in ay u gurmadaan dagaalamayaal kale oo ka tirsan Shabaab oo la sheegay in lagu jabiyay howlgal ka dhacay deegaanka Oobaale.

Maalin ka hor ayay aheyd markii ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaankaan, waxaana howlgaladaan ay qab ka yihiin dagaalada ka dhanka ah Shabaab ee ka socda deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe.