5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 13, 2022
Wasiir katirsan xukuumadda Soomaaliya oo walaac weyn ka muujisay kaydka dhuxusha Jubbaland
 

Talaado, December, 13, 2022 (HOL) - Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada ee xukuumadda Soomaaliya, xildhibaan Khadiijo Maxamed Almakhsuumi, ayaa walaac weyn ka muujisay kaydka dhuxusha ah ee Jubbaland.

Wasiirka deegaanka oo safar ku tagtay magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubbaland ayaa sheegtay, in kaydka dhuxusha uu caqabad ku yahay xakamaynta bacaadka ku habsaday deegaano katirsan Jubbaland.

"Dhuxusha kaydkeeda dhibaato ayay ku haysaa ummadda Soomaaliyeed. Bacaadku maalin kaste wuu sii durkuyaa kaydkaas dhuxusha ah awgeed,"ayay tiri wasiirka deegaanka.

Wasiirku waxay sheegtay in aan xilligan loo baahnayn kayd dhuxul ah, iyadoo xustay in dunida laga mamnuucay dhoofinta dhuxusha.

Hadalka wasiirka deegaanka ayaa kusoo aaday, iyadoo maamulka Jubbaland horey loogu eedeeyay inuu dhoofiyo dhuxusha sharci darrada ah, taasoo Soomaaliya laga saaray cunaqabatayn in la dhoofsho.

QM ayaa horey u sheegtay in dhoofinta dhuxusha Soomaaliya ee la Mamnuucay ay weli sii socota, dhaqaale malaayiin dollar ahna uu ka soo galaan ururka Al-Shabaab, sida lagu sheegay warbixin lasii daayay 2018.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhuxushaasi la sii marsiiyo dalka Iran.