5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 13, 2022
Midowga Yurub oo ballaariyay howlgallada la dagaalanka burcad badeeda ee xeebaha Soomaaliya
 

Talaado, December, 13, 2022 (HOL) - Midowga Yurub ayaa muddo kordhin hor leh u sameeyay hawlgallada militari ee ay ka wadaan badda Soomaaliya iyo geeska afrika si ay u fuliyaan siyaasaddooda amniga iyo Difaaca.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in ciiddanka badda ee Atlanta  oo ka mid ah hawlgalladda milliteri ee EU-da, uu sii shaqayndoono  illaa 31-ka Diseembar 2024.

Go'aankan ayaa la qaatay ka dib markii dib-u-eegis lagu sameeyay hawlgallada Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyada oo ujeedadu tahay in la xoojiyo jawaabta Midowga Yurub ee kor u qaadida doorkeeda amniga badda.

“Iyadoo laga faa'ideysanayo guulaha laga gaaray xakameynta burcadbadeedda xeebaha Geeska Afrika iyo Soomaaliya, waxaa la xoojiyay waajibaadka guud ee howlgalka ATALANTA,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Midowga Yurub.

Midowga Yurub wuxuu sheegay howlgalka ATALANTA inuu marayo meel uu kaga qeyb qaadan karo dhaqan gelinta cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, dhimista ka ganacsiga daroogada, taageeridda dagaalka socda ee lagula jiro Al Shabaab iyo dhaqaalaheeda iyo horumarka dowladda Soomaaliya.

Midowga Yurub wuxuu sheegay in hawlgalka ATALANTA uu sii wadayo hawlihiisa uu kaga hortagayo budhcad-badeedda iyo dhaca hubaysan ee badaha. Waxaa uu sidoo kale ku fidiyaa baaxadiisa waqooyiga badda cas.

Horraantii sanadkan ayay ahayd markii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu joojiyay cusboonaysiinta howlgalka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya ee Midowga Yurub, kaddib markii dowladda Soomaaliya ay gudbisay codsi ku aadan in mashruucaas lasoo gabagabeeyo.

Sannadkii 2012 ayaa ugu dambeysay afduub loo geysto maraakiibta caalamiga ah ee isticmaasha biyaha Soomaaliya.