5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 13, 2022
Shirka Madaxda Afrika iyo Madaxweynaha dalka Mareykanka oo Maanta ka furmaya magaalada Washington
 

Talaado, December, 13, 2022 (HOL) - Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in magaalada Washington ee dalka Mareykanka uu ka furmo Shirka u dhaxeeya hoggaamiyaasha Afrika iyo Madaxweynaha dalkaasi Mareykankanka Joe Biden.

Inta badan hoggaamiyaasha dalalka Afrika ayaa maalmahii lasoo dhaafay ku qulqulaayay magaalada Washington, halkaas oo uu ka dhacayo shirka ay martigalineyso dowladda Mareykanka oo socon doono mudo sadax maalmood ah.

Shir madaxeedkan Maanta furmaya dalka Mareykanka ayaa ujeedadiisa lagu sheegay mid lagu muujinayo sida ay uga go’an tahay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden sida uu u daneynayo qaaradda.

Shirkaan waxaa lagu casuumay oo ka qeybgalaya 49 ka mid ah madaxda dalalka qaaradda Afrika iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, iyadoo dalalka kala ah Mali, Guinea, Sudan, Burkina Faso iyo Erataria aysan ka mid aheyn dalalka la casuumay ee ka qeyb galaya shirka Maanta ka furmaya magaalada Washington, maadama Midowga Afrika uu horay u hakiyay xubinnimadooda.

Shalay ayay aheyd Markii Mareykanka ay gaareen Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaas uga qeyb galaya shirka u dhaxeeya hogaamiyaasha Afrika iyo madaxweynaha dalkaasi mareykanka Joe Biden.