5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 13, 2022
Howlgalka Midowga Afrika oo sheegay in ay ka go’an tahay dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya
 

Talaado, December, 13, 2022 (HOL) - Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Mohammed El-Amine Souef, ayaa sheegay in howlgalka Midowga Afrika uu si dhow ula shaqeyn doono ciidamada ammaanka Soomaaliya oo dagaal adag kula jira Al-Shabaab.

"Anigoo ku hadlaya magaca ATMIS, militariga, booliiska, iyo rayidka, waxaan ku celinayaa sida ay nooga go'an tahay inaan si dhow idiinla shaqeyno si aan u taageerno qorshayaasha iyo howlaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed," Souef ayaa ku yiri war uu soo saaray.

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay la shaqeyn doonaan dhammaan wakiiladda dalalka bah-wadaagta la ah Soomaaliya si ay u taageeraan dadaallada ku aaddan dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

"Waxaan ballan qaadayaa taageerada aan qarsoonayn iyo sida ay uga go'an tahay in aan si dhow ula shaqeeyo dhammaantiin inta aan sii wadno taageerada soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya," Souef ayaa sidaas yidhi.

Mohammed El-Amine Souef  ayaa dhawaan loosoo magacaabay howlgalka ATMIS oo waajibaadkiisa uu yahay taageerada nabada si loo yareeyo khatarta al-Shabaab iyo taageeridda dadaallada nabada iyo dib u heshiisiinta si loo helo Soomaaliya ammaan ah oo xasilloon.