5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 13, 2022
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo iska casilay xubinnimadii guddiga Maaliyada iyo Taakuleynta ciidanka dib u xureynta Hiiraan
 

Talaado, December, 13, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xubinimadda guddiga Maaliyadda ee taakuleynta ciidamada dib  u xoreynta deegaanada gobalka Hiiraan.

War qoraal ah oo kasoo baxay gudoomiye Jeyte ayuu ku sheegay inuu ku howlan yahay sidii loo xaqiijin lahaa dadaalada amniga, xasiloonidda gobalka Hiiraan iyo dardargalinta howlgalada baaxada leh ee ka dhanka ah Kooxda Al-shabaab.

Qoraalka kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Cali Jeyte ayuu ku sheegay in xubinnimadii guddiga uu isaga casilay kadib markuu arkay in guddiga Maaliyada iyo taakuleynta ciidanka dib u xureynta gobolka Hiiraan aysan diyaar u aheyn wax ka qabashada howlahii loo igmaday.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran:-