5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 13, 2022
Kooxo hubeysan oo ganacsade caan ahaa ku dilay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud
 

Talaado, December, 13, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil kooxo hubeysan ay ugu geysteen baratamaha degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud nin ganacsade ah oo caan ka ahaa degmadaasi.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa  fuliyay dilka ganacsadaha oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdinuur, kaasoo lagu dilay Kaalin Shidaal oo uu ku lahaa Xaafada Waaberi ee degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dilka ganacsadaha ayaa la sheegay inuu salka ku haayo arrimo la xariira aargoosi aano qabiil oo ka dhaxeeya qaar ka mid ah beelaha dega degmada Caabudwaaq iyo deegaanada hoostaga.

Ciidamo ka tirsan Booliiska degmada Caabudwaaq ayaa gaaray goobtanlagu dilay Marxuumka, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay xaafadaha Waabari oo lagu dilay ganacsadaha, hayeeshee lama sheegin cid ay usoo qabteen falkaasi.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka iyo laamaha amaanka degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo ku aadan dilka ninka ganacsadaha ah loogu geystay degmadaas, waxaana dhowr jeer oo hore sidaan oo kale ugu so laab laabtay degmada Cabudwaaq dilalka la xiriira aanooyinka qabiil.