4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo faray Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed adkeynta amniga guud ee dalka
 

Sabti, Agoosto, 6, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa kormeer shaqo ku tagay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isagoona ku adkeeyey hirgelinta, horumarinta iyo ilaalinta shuruucda dalka si ay tusaale wanaagsan ugu noqdaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dowladdiisa ay xoogga saareyso labo istiraatiijiyadood oo uu sheegay in lagula dagaalamayo Al-shabaab oo ah sidii looga ciribtiri lahaa guud ahaan dalka, taasina ay laf dhabar u yihiin Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhamaan Ciidamada Qalabka Sida.

“Dowladdaan cusub waxaa u degsan labo siyaasadood oo ay argagixisada kula dagaallameyso, waxaan rabnaa in aan kula dagaallanno hab fikri ah, diiniyan ah, waddaniyad ah oo aan dadka Soomaaliyeed ku tusineyno beenta ay wadaan argagixisada. Sidoo kale waxaan rabnaa in aan kala dagaallanno ilaha ay ka helaan dhaqaalaha, annagoo hab sharciya u mareyno, dadka Soomaaliyeedna ku qancineynno in aan la aqbaleynin in ay argagixisada dhaqaale siiyaan” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliiska shaqada wanaagsan ay u hayan Qaranka Soomaaliyeed, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, sharciyadda Booliiska, hannaanka shaqo ee Taliska Booliska, baahiyaha Ciidamada, caqabadaha ka haysta qalabka ay ku shaqeeyaan iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

“Dowladdu waxaa ahmiyad gaar ah siineysaa horumarinta shuruuc ciidamada dalka si loo helo sharciyo la jaanqaadi kara hababka casriga ah ee ay waqtigan u shaqeeyaan hay'adaha ammaanka ee caalamka, taas oo fududeyneysa xaqiijinta hadafka guud ee ilaalinta amniga dalka. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay hormuud u noqdaan ilaalinta shuruucda ciidamada, dhaqan-gelinta xeerarka guud ee dalka,  dhowrista sharafta, karaamada iyo xorriyada muwaadiniinta Soomaaliyeed xilliyada shaqada Qaranka” ayu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Gabagabadii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dowladda Soonaaliya iney iska kaashadaan xaqiijinta amaanka guud ee dalka gaar ahaana amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]