4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 6 , 2022
Somaliland: Miino ku qaraxday caruur xoolo la joogtay
 

Sabti, Ogosto, 6, 2022 (HOL) - Ilmo yar ayaa geeriyooday 2 kalena dhaawac ayaa soo gaadhay, kadib markii miino kula kacday goob u dhaxaysa deegaanada Habuura iyo Sibidhley ee xuduuda Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.

5 qof oo kale ayaa dhawacmay kadib markii ambalaas (dhooli), loo diray caruurta dhaawaca ah, uu ku dhacay baabuur xaajiyad ah oo rakaab siday, meel u dhow deegaanka Balli-hiile, sida uu sheegay muuqbaahiyaha xukuumada Somaliland.

Dhamaan 7-da qof ee dhaawaca ah ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka Wayn ee Burco, isla markaana xaaladooda ayaa ah mid dagan, sida Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Gobolka Togdheer Dr Maxamed Yuusuf Jaamac uu u sheegay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA.

Sida muuqbaahiyuhu ku warramay saddexda caruurta ah ee miinadu la qaraxday, ayaa adhi ku ilaalinayay goobta ay dhibaatadu kusoo gaadhay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]