4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2020
Duqeyn ka dhacday degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe
 

Khamiis, September 3, 2020 (HOL) - Duqeyn diyaaradeed ayaa waxay ka dhacday deegaan hoos taga degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ee Soomaaliya, waxayna wararku sheegayaan in lala beegsaday goob ay ku shirayeen xubno kamid ah Al-shabaab.

Sargaal Ciidan ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in duqeyntaas lagu dilay madaxii amniga Al-shabaab ee Jilib.

Ma jiraan faah-faahin dheeri ah oo intaas dhaafsiisan oo laga helay duqeyntaas ka dhacday degmada Jilib.

Ciidamada dowladda Mareykanka oo kaashanaya kuwa dowladda Soomaaliya ayaa waxay horay dhowr jeer duqeymo uga fuliyeen Gobollada Jubbooyinka, waxaana lagu eedeeyay iney dad rayid ah wax-yeeleeyeen, sida ay horay u shaaciyeen hay’adaha u dooda Xuquuqada Aadanaha .

Dhinaca kale mar jiro war kasoo baxay Al-shabaab oo ku aaddan duqeyntaan iyo wararka tilmaamaya in looga dilay sargaal ka tirsanaa .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]