5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 22, 2020
Bulshada Mandera oo ka dalbaday Kenya in Cabdirashiid Janan laga saaro deegaankooda

 

Talaado, December, 22, 2020 (HOL) - Iyadoo dhawaan uu soo baxay war ku saabsan in dowladda Kenya ay degmada Mandera ku tababareyso maleeshiyaad weerara qeybo ka mid ah gobolka Gedo, ayaa waxaa arintaan ka hadlay bulshada ku dhaqan degmada oo dalbaday in laga saaro deegaankooda Cabdirashiid Janan iyo ciidamada uu watto.

Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Kenya in maleeshiyaadkaas ay u tababareyso sarkaalkan lagu magacaabo Cabdirashiid Janan oo dhinaca kalana ah Wasiirka Amniga Jubbaland.

Bulshada ku dhaqan degmada Mandhera oo ayaa ka dalbaday dowladda Kenya in ay joojiso tababarka maleeshiyaadkan la sheegay iyo in Cabdirashiid Janan muddo kooban looga saaro deegaankooda, iyaga oo intaa ku darray in ciidamada Janan uu hoggaaminayo fariisimo ka sameysteen beerro dad rayid ah leeyihiin.

Laakiin Cabdirashiid Janan oo kol hore warbaahinta la hadlay kaddib eedeyntii ka timid dowladda Soomaaliya ayaa beeniyay in loo tababarayo maleeshiyaad, isaga oo taa badalkeeda sheegay in isaga iyo ciidamada uu hoggaaminayo u abaabulan yihiin in ay ilaaliyaan danta dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobolka Gedo.

Shacabka reer Mandera ayaa sheegay in fariintooda la gaarsiinayo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta sida ay ballanqaadeen maamulka degmada.

Toddobaadyadii ugu danbeeyay waxaa xoogeystay khilaaffka dhinaca xudduuda Soomaaliya iyo kenya ka taaggan iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya halkaa ku dirtay ciidamo dheeraad ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]