4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2020
Canada oo malaayiin dollar ku bixisay xoojinta Caafimaadka iyo kor uqaadida umulisooyinka
 

Sabti, Agoosto 29, 2020 (HOL) - Dowladda Canada waxay bixisay $ 11 milyan oo lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya, iyadoo loo sii marinayo UNFPA. Dhaqaalahaan ayaa loogu talo galay qorshe cusub oo ku saabsan xoojinta Caafimaadka taranka iyadoo la xoojinayo waxbarashada umulisooyinka.

$ 1 milyan oo kamid ah lacagtan ayaa loogu talo galay wax ka qabashada COVID-19 si loo ilaaliyo bixiyeyaasha daryeelka caafimaadka iyo bukaannada lagu daweynayo xarumaha caafimaadka.

Ujeedada ayaa looga golleeyahay yareynta dhimashada hooyada iyo kor u qaadida caafimaadka iyo taranka.

Mashruucaan wuxuu kordhindoonaa tirada umulisooyinka la tababbaray, wuxuu xoojin doonaa awooda waxbarid ee 15 kamid ah dugsiga umulisada. Wuxuu hubineyaa in xarumaha caafimaad ay bixin karaan khibrad tababar caafimaad oo tayo sare leh.

Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya Mr Anders Thomsen ayaa u mahadceliyey dowladda Canada isagoo sheegay in hay’ada UN-ka ay u heelan tahay la shaqeynta dowlada Soomaaliya sidii loo dhisi lahaa shaqaale umuliso oo karti leh, si wanaagsanna u tababaran isla markaana si wanaagsan loo tageero iyo sameynta hanaan sharci oo adag si loo hubiyo adeeg tayo leh.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]