New York Times oo Wariye Bariga Africa uga soo warrama u qaadatay Abdi Daahir oo ah Wariye Soomaali-yeed
Talaado, October, 08, 2019 (HOL)-Cabdi Ladif Dahir oo ah Joornaliste Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay in uu noqdo Wariyaha Wakaalada New York Times uga soo waramaya Bariga Africa, isaga oo fadhiggiisu noqonayo magalada Nairobi ee dalka Kenya.
Sida laga soo xigtay New York
Time Cabdi Daahir ayaa ka soo wareegaya Quartz International oo uu u
shaqeenayay muddo ku dhan saddex sano ,isaga oo hadda toos uga mid noqonaya The New York Times, waxaana uu uga soo warrami doonaa
Bariga Africa.
‘’Waxaan ku faraxsannahay
Wariyaheena cusub ee The Times waxaa uu ka soo wareegayaa Quartz International,
waxaa sidaa lagu sheegay shaacin ka soo baxday The Times.
Wariyahan cusub ayeey ku
tilmaamtay The Times in uu yahay nin dhalinyaro ah oo akhristayaasha u keenay
sheekooyin xiiso leh oo wax ku ool, isaga oo gaar ahaa diirada saaray arrimaha
ku saabsan isdhax-galka ganacsi ee Africa iyo Chine, kala guurka siyaasaddeed
ee Itoobiya iyo Sudan, iyo arrimo la xiriira shirkaddaha iyo hal abuurnimada
Qaarrada, beeraha ilaa laga gaaro farshaxanka oo uu wax ka qoray.
Abdi Ladif Dahir ayaa ku
dhashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, hasse ahaatee nolashiisa qeyb ahaa
waxaa uu ku koray magaalada Muqdisho ee
caasimada Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]