4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2019
Wasiirka Maaliyada iyo Duqa Muqdisho oo kulmay

 

Isniin, October, 07, 2019 (HOL)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in xarunta Wasaaradda maaliyadda uu maanta kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeenkiisa arrimaha Maaliyadda Ibraahim Dheere.

Wuxuu sheegay Wasiir Beyle in arrimaha ay ka wada hadleen ugu muhiimsan tahay dar dargelinta howlaha lagu kobcinayo dakhliga dalka iyo sare u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha.

“Arimaha ugu muhiimsan ee aan ka wada hadlay waxaa ka mid ahaa wada shaqeynta iyo dar-dar gilinta howlaha lagu kobcinayo Dakhliga Dalka,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaantood ay ka go’an tahay in si wadajir ah ugu wada sahqeeyaan horumarka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]