4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2019
Guddoomiye-yaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Jabuuti oo ku sii jeeda magaalada Baydhabo

 

Isniin, October, 07, 2019 (HOL)-Wafdi ay hoggaaminayaan Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed, halkaasoo ay wadajir uga qeyb galayaan furitaanka kulanka Baarlamaanka dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo kaddib u sii gudbi doona magaalada Baydhabo.

Socdaalka wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti  ayaa qaadan doonta dhowr maalmood, isagoo ka qeyb geli doona  Kalfadhiyada Baarlamaanada Federaalka Soomaaliya iyo kan Koofur Galbeed  oo todobaadkan furmaya.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka  ayaa soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti, waxaana la  filayaa inay wadajir ugu ambabaxaan  Baydhabo.

Guddoomiye Mursal ayaa waxaa safarkiisa Baydhabo ku wehliya Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo Wasiiro.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo shalay magaaladaas uu gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]