Ugaadhsiga lagu hayo haadda oo ku faafaya gobolka Sool
Sabti, October, 05, 2019 (HOL)-Dagaal lagula jiro haadka noocyada hilibka cuna ayaa ku sii fidaya guud ahaan gobolka Sool.
Deegaanka Kalabaydh oo dhaca galbeedka magaalada Laascaanood ayaa lugu diley goror kaas oo la sheegay in uu ahaa mid duulaan ah.
Sidoo kale degaano ka tirsan Oog oo waqooyi kaga quman Laascaanood dhawr goobood ayaa laga soo sheegayaa in lagu laayey haadka.
"Dadka
waxaa gu handaraabantay goror dadka cunaya taas oo keentay in ili
aragtay dableyda loogu tilmaamo haadka oo aan ka maarmin meesha ay
raqtaalo" sidaa waxaa HOL u sheegay Axmed Cali Faarax oo hawl wadeenada
degmada Xuddun ka tirsan.
Axmed waxa uu intaas ku
daray in ay dadaal ugu jiraan sidii ay dadka uga dhaadhicin lahaayeen in
waxa la sheegayo ay yihiin waxaan waxba ka jirin, waxase uu sheegay in
ay adag tahay sida looga dhaadhiciyo.
Arinta
dagaalka ka dhanka ah haadka iyo shinbiraha qaarkood ayaa bilaabmay
markii warbaahinta lagu buunbuuniyey dhacdooyin la sheegay in ay
geysteen gorgoro.
Haadka la laayey oo aan loo kala
aabayeelin ayaa ay ka mid yihiin Gorgor,Baqalye, Coomaade, Haad ka adag,
Xuunsho, Galaydh iyo dhamaan waxa hilibka cuna oo qaar shinbiraha hayb
ku raacaan sida Guumeysta.
Lama saadaalin karo
mustaqbalka haadda wadanka ku noolayd waxaase lagama maarmaan u noqon
doonto in ay aadaan meel ay naftooda ku badbaadiyaan sidii ay ugaadhii
kaleba u haajirtey.
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool