4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2019
Dowlad deegaanka Soomaalida oo markii ugu horeysay yeelanaya Ciidan Kumaandoos ah

 

Jimco, October, 04, 2019 (HOL)-Waxaa markii u horeysay deegaanka Soomaalidu yeelanayaa Ciidan gaar ah oo loo tababarayo Kamaandoos, kuwaas oo ka hawlgalaya magaalada Jigjiga iyo hadba meeshii ay dhibaatooyin gaar ahi ka jirto.

Haddaba Ciidankan ayaa hadda tababarkoodu waxaa uu ka socdaa xerada tababarada ciidanka ee Garab Case, waxay-na qayb ka yihiin Ciidanka cusub ee Booliska gaarka kuwaas oo tababar uga socodo isla xeradan Garab case.

Ciidankan Kamaandoosta ah ee deegaanku yeelan doono oo tiradoodu gaarayso 250 ayaa markay tababarka dhammaystaan waxay ka hawlgali doonaan kolba meeshii looga baahdo oo u badnaan doonta magaalada.

Booliska gaarka ah iyo guud ahaan Ciidamada amniga ee degaanka ayaa waayadan dambe aad loo tayeeyay iyadoo tababaro garaadkooda iyo aqoontooda kor u qaadaya lasiiyay, sidoo kalena lagu soo kordhiyay hadda qaybtan gaarka ah ee Kamaandoosta oo la filayo markuu tababarkani dhawaan usoo dhammaado in ay wax badan ka badalayaan amniga magaalada Jigjiga. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]