4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 4 , 2019
Xildhibaan Safiya Cabdi Nuur'' Kenya waxey xaq u leedahay in ay Wadankeeda, Baddeeda iyo Maalkeeda difaacdo

 

Jimco, October, 04, 2019 (HOL)-Xildhibaan Safiya Cabdi Nuur Toorrey oo ka mid ah xildhibaannada Soomaalida ah ku jira Baarlamaanka Kenya ayaa  sheegtay in Kenya xaq u leedahay dalabkeeda ah in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

''Kenya waxey xaq u leedahay in ay wadankeeda, Baddeeda iyo Maalkeeda difaacato, Soomaaliya xaq ayeey u leedahay in dooddeeda horgeyso Maxkamadda ayeey tiri Safiye Cabdi Toorreey oo la hadashay VOA

Dowladda Kenya ayeey sheegtay in ay abaal u gashay shacabka Soomaaliyeed, sidaa daraadeed aysan ku habooneyn Dowladda Soomaaliya in ay aqbali weydo codsiga Kenya ee ah in 12 bilood oo kaliya dib loogu dhigo dhageysiga Dacwadda.

''Haddii aan dhahnay sanad hanala sugo ma waxbaan haley-nay, Annaga oo waliba 30 sano soo sidnay Shacabka Soomaaliyeed ayeey hadalkeeda sii raacisay xildhibaan Safiya oo dhinaca kale meesha ka saartay in Kenya ay u socto in ay qaadato dhul ay Soomaaliya leedahay.

Xildhibaan Safiya ayaa intaa ku dartay in aysan waxba u arag go'aanka Kenya ee ah in meel ka baxsan Maxkamada lagu dhameeyo Kiiskan, waxaana ay waxba kama jiraa ku tilmaamtay warar sheegaya in Kenya dooneyso in ay Soomaaliya ku cadaadiso ciidamada ka jooga ee nabad-ilaalinta.

''Wada-hadal aan ku dhameysano marka ay leedahay Kenya koley xal ayeey  raadineysaa, laakiin ma jiro warka ku saabsan in Kenya rabto in ay Soomaaliya Badda uga badalato ciidamada Nabad-ilaalinta ee ka jooga gudaha Soomaaliya, meel ay ka dhacday-na malaha ciidan ayaan kuu soo direy ee Baddaada isii'' ayeey hadalkeeda sii raacisay.

Ugu danbeyntii ayeey sheegtay in dowladda Kenya ku taagan tahay in ay u dooddo xaqeeda Soomaaliya-na laga doonayo oo kaliya in ay qaadato mar walba go'aanka ugu danbeeya oo ay gaarto Maxkamada. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]