Askar lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Paris
Khamiis, October, 03 2019, (HOL)-Afar sarkaal oo boolis Faransiis ah ayaa maanta lagu dilay weerar mindi oo ka dhacay gudaha xarunta booliska magaalada Paris, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Midowga Booliska.
Sarkaalka oo lagu magacaabo Loic Travers, ayaa sheegay in sarkaal
kale oo boolis ah uu toogasho ku dilay qofkii weerarka soo qaaday.
Travers ayaa sheegay in qofka weerarka soo qaaday la rumeysan yahay
inuu shaqaale ka ahaa xarunta booliska, hase yeeshee aan weli si rasmi
ah loo xaqiijin.
Travers waxa uu sheegay in weerarku u muuqday inuu ka billaabmay
gudaha xafiis, kadibna uu ku baahay qeybo kale oo ka mid ah dhismaha.
Duqa magaalada Paris Anne Hidalgo ayaa xaqiijisay in “dhowr qof” lagu dilay weerarka.
Weli ma cadda sababta hoggaamisay weerarka oo ka dhacay bartamaha Paris, meel u dhow kaniisadda caanka ah Notre-Dame Cathedral.
Travers waxa uu, si kastaba, sheegay in qofka la tuhusan yahay inuu
weerarka geystay uusan marnaba wax dhibaato ah horey uga gaysan shaqada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]