4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 3 , 2019
Axmed Madoobe '' Hannaan Siyaasadeed oo loo dhan yahay dalka ka ma jiro

 

Khamiis, October, 03, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa qaadacay qodobaddii shalay laga soo saaray shirkii madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Muqdisho

Madaxweyne Axmed Madoobe oo wali ay dowladdu diidan tahay dib u doorashadiisa ayaa sheegay in hannaanka siyaasadda loo dhan yahay aanay dalka ka jirin, isagoo caddeeyay in wixii ka soo baxa Shirkii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho aanay anfaceynin dadka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabad lagu maamusayay sanad-guuradii 4aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska TV Jubbaland, waxaana uu intaa ku daray in marka hore muhiim tahay in arrimaha Masiiriga ah ee hor yaala habsami u socodka dowladdnimada heshiis buuxa laga gaaro, taasoo marka danbe sahli karta in lagu guuleysto dhameystirka Dastuurka.

Mar uu soo hadal qaaday arintan ku saabsan deyn cafinta oo marar badan dowladdu ku soo celcelisay ayuu yiri ''Deyn cafintu ma dhaqan geli karo, iyadoo Madaxda Villa Somalia joogta ay ku tumanayaan sharciga dalka, waa in qof walba Soomaali ah qeyb ka yahay deyn cafinta dalka lagu leeyahay, balse wadadii looga bixi lahaa ayna heynin dowladda Federaalkaā€¯

Dowladda Federaalka ayaan wali aqoosaneyn dib u doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland waxaana ay arintaa keentay khilaaf xoog leh oo soo kala dhax-galay dowladda iyo Maamul gobolleedka Jubbaland .

Laakiin dhinaca kale marka la eego khudbadihii ugu danbeeyay ee shalay wakiilada beesha caalamka ka jeediyeen shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa intooda badan lagu soo qaaday khilaafka dowladda iyo qaar ka mid ah maamul gobolleedyada dalka ka jira, gaar ahaan wakiilka xoghayaha guud ee Qarramada Midoobey James Swan ayaa ku booriyay dowladda iyo Jubbaland in khilaafkooda ku dhameystaan wada hadal. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]