4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2019
Deni iyo Gaas oo ku kulmay Addis Ababa

Arbaco, Augusto, 28, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaa oo uu kullamo ku qaadanayo.

Kullan galinkii dambe ee Arbacadda maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa waxaa isku arkay madaxweyne Deni iyo madaxweynihii xilka ku wareejiyay ee Cabdiweli Gaas.

Madaxtooyadda Puntland oo qoraal kooban kullanka uga hadashay ayaa sheegtay inuu ku yimid ka dib qado sharaf uu u sameeyay mas'uuliyiinta madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland, Cabdixakiin Camey oo xilligan ah safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya.

Waxaa kalo kullanka ka qaybgalay xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]