4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2019
Golaha Ammaanka oo diidday qaraarka ay Kenya u ololeyneysay in Al-Shabaab lagu daro liiska Argagixisada

Arbaco, Augusto, 28, 2019 (HOL)- Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diidmo ugu codeeyay qaraarka tirsigiisu yahay 1267 ee la doonayey in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya lagu daro argagixisada Liiska caalamiga.

Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya dowladda Federaalka Soomaaliya , Abuukar Daahir Cusmaan ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku boggaadiyay diidmada Golaha ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267.

"Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna, oo waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha. Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan yahay ciribtirka Shabaab iyo Shabaab kalkaal." ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadlay go'aanka golaha ammaanka.

Danjiraha Dowladda federalka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Abuukar Daahir Cusmaan (Baalle) ayaa olole ballaaran oo looga soo horjeedo qaraarkaasi maalmihii u dambeeyay ka waday New York.

Kenya ayaa dadaal badan ugu jirtay in qaraarkan uu u codeeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, isla markaana olole ka dhex waday Wakiilada dalalka caalamka u jooga Qaramada Midoobey.

Golaha Wasiirrada ayaa horay walaac uga muujiyay arrinta codsiga Kenya ee ku aadan in Al-Shabaab lagu daro liiska Argagixisada Caalamiga ee Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 1267.

Sababta qaraarkan ay dowladda Soomaaliya uga hortimid ayaa ah in haddii Al-Shabaab lagu daro Liiska Argagixisada Caalamiga in dhibaatooyin bani’aadanimo oo ka dhalata duqeymaha sameeyaan Xulafada Caalamiga ah ee Argagixiso la dirirka, isla markaana goobaha ay xaaladaha bani’aadanimo ka dhacdo aan la geyn karin gargaar, taasoo dowladda Soomaaliya u cuskatay walaaceeda,sida uu sheegay Amb Abuukar Baalle.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]