4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2019
Dowladda oo xil muhiim ah u magacaawday taliyihii howlgalinta Ahlu Waljameeca

 

Arbaco, Augusto, 28, 2019 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa xil muhiim ah u magacaawday taliye sare oo ka tirsanaa ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca, kaddib qoraal ka soo baxay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guutto Odawaa Yuusuf Raagge  ayaa u magacaabay Gen Mascuud Maxamed Warsame in uu noqdo taliyaha 15aad Qeybta 21aad ciidanka xoogga dalka Soomaaliya

Mascuud ayaa ka tirsanaa saraakiisha ugu sareysa ciidanka Ahlu Sunna Waljameeca gaar ahan marka ay timaado dhinaca howlgalinta.

Waxaana magacaabistan ay imaneysa xili uu khilaaf xoogan oo kala dhaxgalay hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljameeca iyo dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay madaxda Ahlu Sunna ku eedeeyeen dowladda in ay si sharci darro ah ciidamo u geysay degmada Dhuusa-Mareeb.

Hoos ka Akhriso Qoraalka magacaabista ah ee ka soo baxay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed :-

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]