Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan
Arbaco, Augusto, 28, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ay marti gelisay magaalada Yokohama.
Furitaanka
Shirka oo ay wadajir u guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane
Shinzō Abe, Madaxweyne sharafeedka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika
Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Mudane Muuse Faqi ayaa la isla qiray
muhiimadda shirkan uu u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha
dalalka Afrika.
Shirarka
Madashan ayaa inta ay socdaan waxaa lagaga arrinsan doonaa shaqo
abuurka dhallinyarada,xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta
ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qiimeynta miro-dhalka mashaariicda
Qaramada Midoobey iyo Japan ay wada jirka uga fulinayaan dalalka Afrika.
Wafdiga
Madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga
Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane
Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Eng. Nuur
Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo La-taliyaha Madaxweynaha Mudane Balal
Cismaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]