4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2019
Jubbaland oo xayiraadii ka qaaday mas'uuliyiinta ka tirsan dowladda oo horay looga mamnuucay Kismaayo

 

Arbaco, Augusto, 28, 2019 (HOL)-Kaddib kulan magaalada Kismaayo ay ku yeesheen xubnaha golaha Wasiiradda dowlad gobolleedka Jubbaland ayaa xayiraad dhinaca socdaalka looga qaaday mas'uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Kulanka oo ay uu shir guddoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa laga soo saaray in leysku afgartay in la qaado xayiraada la saaray Mas’uuliyiinta Xukuumadda ee ku aadanaa in  aanay magaalada Kismaayo imaan karin mudadii ay socotay doorashada.

Maamulka Jubbaland ayaa si aad ah u adkeeyay ammaanka guud ee Kismaayo, waxaana mudadii ay socotay doorashada la joojiyay isu socodka badda, cirka iyo dhulka oo magaalada laga xiray.

Khilaafka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ayaa sabab u noqday inuu hakad ku yimaado wada shaqeyntii labada dhinac, taasoo keentay in laga mamnuuco Kismaayo Mas’uuliyiinta Xukuumadda Federaalka.

Axmed Madoobe ayaa lagu doortay magaalada Kismaayo 22kii bishan aynu ku jirno, inkastoo qalalaase ka dhashay doorashada iyo habka ay u dhacday ay sababtay in ay soo baxaan mas'uuliyiin kale oo iyagu sheegtay in ay madaxweynayaal yihiin. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]