4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2019
Madaxweyne Xaaf oo ka degay degmada Hobyo ee gobolka Mudug

 

Arbaco, Augusto, 28, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa goor dhaw ka degay degmada Hobyo ee gobolka Mudug, halkaa oo maalmihii ugu danbeeyayba ay ka soconayeen kulamo ay lahaayeen odayaasha, siyiaasiyiinta iyo waxgaradka mid ka mid ah beelaha dega gobolka Mudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hobyo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Degmada Hobyo, Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galayay shirka ka socda Magalada Hobyo.

Xaaf ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo waxaa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo waxa uuna inta uu joogo magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada.

Socdaalkan ayaa  imaannaya dhinaca kale xili ay khasan tahay guud ahaanba marka la eego siyaasada deegaannada Galmudug gaar ahaan degmada Dhuusa-Mareeb oo ay isku hayaan dowladda Soomaaliya iyo maamulkii Ahlu Sunna ee horay ugu biiray Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]