4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2019
Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga Aduunka oo heshiis kala saxiixday

 

Arbaco, Augusto, 28, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga horumarinta Africa ayaa kala saxiixday laba heshiis oo kala ah qaybtii ugu dambaysay ee dhismaha wadooyinka dalka iyo heshiiska mashruuca biyo galinta magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ee gobollada Jubbada Hoose iyo Baay.

Shirka heshiiskaas lagu saxiixay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo khayraadka Biyaha Fowsiya Maxamed Sheekh, Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Cabdi Aadan Hoosow, wasiir  ku-xigeenka maaliyadda Cabdilaahi Sheekh Cali Qaloocow, Wasiiro kasocday dowlad gobolleed-yada dalka, madaxda Bankiga Horumarinta Africa iyo  saraakiil ka socotay hay'adda IOM.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya waxaa heshiiska u saxiixay wasiir  ku-xigeenka Maaliyadda Cabdilaahi Sheekh Cali Qaloocow halka dhinaca  Bankiga horumarinta Africa uu u saxiixay ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee  Bankiga horumarinta Africa Mrs. Ninenna.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]