4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2019
Khasaaraha uu keenay Roobab dabaylo wata oo magaaladda Hargeysa ka Da’ay


Arbaco, Augusto, 28, 2019 (HOL)-Illaa saddex qof ayaa ku geeriyooday, 18 qofna way ku dhaawacmeen roob dabaylo wato oo ka da’ay magaalada Hargeysa.

Roobkan ayaa guryo badan jiingadii ka qaaday, halka qaarkood dumiyey, waxa kale oo xalay kala xidhmay wadooyinkii magaaladda la isku soconayey daadadka ka dhashay awgeed.

Madaxweyne Biixi ayaa xalay booqday dadkii khasaaruhu ka soo gaadhay roobka, waxaanu ka warbixiyey inta uu leeg yahay khasaaruhu isagoo xalay si toos ah uga hadlayey telefishanka dawladda..

“waxa ku geeriyooday saddex qof, illaa 18 qofna way ku dhaawacmeen, waxa kale oo khasaaraha keenay waa biyihii roobku halkii uu mari lahaa oo dad wada xidheen,waxa kale oo khatar badan dadka ku haya biraha laydhka iyo biraha xayeysiisyada oo si fudud dabayshu u qaadaysay oo badankoodu dumeen”ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay madaxweynuhu shirkadaha laydhka oo khatar badan ku haya dadka marka uu roobku da’o ay biraha laydhku soo dhacaan, taasna bani’aadanka khatar galin karto, waxaanu arintaasi u xil saaray wasaaradaha ay khuseyso in arrimahaasi laga hortago.

Roobka xalay ka da’ay magaaladda ayaa ahaa kii ugu cabsida badnaa ee ka da’a Hargeysa, waxaanu watay daboolo xoogan oo guryo badan khatar galin gaadhay.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.