4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2019
Shirka Afrika iyo Japan oo ka furmaya Tokyo

Arbaco, Augusto, 28, 2019 (HOL)- Shir madaxeedka toddobaad ee iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan ayaa maanta ka furmaya magaalada Tokyo ee xarunta dalka Japan.

Shirka ayaa waxaa ka qaybgalaya hoggaamiyeyaal ka socda qaaradda iyo madaxda Japan oo ay weheliyaan xubno ka socda hay’adda Qaramada Midoobey ee horumarinta, bangiga adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika iyo maalgashadayaal caalami ah.

Wafdi sare oo ka socda dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo ayaa shirka ka qaybgalaya,iyada oo inta uu socdo la filayo in looga wada-hadli doono mustaqbalka xiriirka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Intii lagu gudajiray shirkii 6 aad, Raiisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe, wuxuu shaaca ka qaaday in Afrika ay ka faa'iideysan doonto $ 30 bilyan oo xirmo maalgashi ah oo ay ku jirto 10 bilyan oo doollar oo lagu horumarinayo kaabayaasha.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]