4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2019
Kheyre oo la kulmay ciidamo loogu talagalay in ay la dagaalamaan Al-shabaab


Arbaco, Augusto, 28, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sarreeye guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo tababarayo ka qayb qaadashada howl gallada dalka looga saarayo Al-Shabaab.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre oo u mahad celiyay macallimiinta Xerada Gen. Goordan ee diyaarinaya ciidamada oo tababarku heer gebagebo  ah u marayo, ayaa askarta ku dhiirri geliyay in ay si wanaagsan u  dhammeystaan tababarka si ay ugu biiraan ciidamada dalka cadawga ka  difaacaya sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamadan ayaa marka loo dhammeystiro tababarka waxa ay qayb ka noqonayaan ciidamada xoogga dalka ee ku sugan furimaha dagaalka ee  qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo  la-dagaalanka Al-Shabaab.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadu ay yihiin rajada ummadda Soomaaliyeed, lagana doonayo in ay xoojiyaan guulihii ay horay u soo  hooyeen ciidamda Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo himilooyinka  ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta dhismaha ciimada xoogga dalka si ay u hantaan guud ahaan amniga dalka, waxaana ciidamada xoogga dalka oo gudanaya waajibaadka ka saaran qarannimada ay guulo wax ku ool ah kasoo hooyeen howl gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]