4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 28, 2019
Wasiir Sabriye '' Dowladda Soomaaliya kama aysan bixin heshiiskii Ahlu Sunna

 

Arbaco, Augusto, 28, 2019 (HOL)-Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa isaga oo ku sugan degmada Dhuusa-Mareeb waxba kama jiraan ku timaamay hadalkii ka soo yeeray madaxda Ahlu Sunna Waljameeca ee ahaa in dowladdu jabisay qoddobadii lagu heshiiyay

Wasiirka ayaa  warbaahinta u soo bandhigay 10 qoddob oo sida uu hadalka u dhigay dhamaan dowladdu u fulisay sidii loogu heshiiyay, gaar ahaa waxaa uu is dultaagay Wasiir Sabriye qodob ku saabsan isku dhafka ciidamada ka wada qeybqaadanaya sugida Amniga degmada Dhuusa-Mareeb ee keenay in dowladdu ciidamo geyso halkaa.

''Qoddobka ugu horeeya waxaa uu ahaa ee saxiixa heshiiska ku jira, '''Qoddobkan waan idin Akhrinayaa magaalladan waad joogteenee, wixii Gaf ah oo Federaal jirana barta, wixii Gaf ah  ee meel kale jirana barta, qoddobka ugu horeeya waxaa uu ahaa Si loo helo kalsooni iyo jawi xasiloon oo suurtaligaya qabashada doorasho xor iyo xalaal ah, waxaa lagama maarmaan ah in hay'addaha dowladda ee heer federaal iyo heer dowlad gobolleed si wada jir ah isaga kaashadaan sugida amniga xarunta dowlad gobolleedka Galmudug, waana tan keentay iyadoo qoddobka laga tixraacayo in dowladdu ilaa 400 oo ciidamo isku dhaf ah ku soo xoojiso sugida Amniga Dhuusa-Mareeb '' ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Wasiirka ayaa sheegay in dhamaan qoddobada lagu heshiiyay uu dhinaca Ahlu Sunna u saxiixay hoggaamiyahooda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan.

Wuxuu sheegay in ra'iisal wasare Xassan Cali Kheyre dadaalka uu ku bixiyay deegaannada Galmudug marnaba laga laheyn u jeedo gaar ah, balse looga baahan yahay dadka ku dhaqan deegaanka Galmudug in ay gartaan waxa meesha ku jira, isaga oo dhinaca kale ku amaanay Ahlu Sunna in muddo ku dhan 11 sano iyo ka badan wax badan ka qabteen nabad-galyada deegaannada Galmudug, balse loo baahan yahayin oo kaliya in wada jir loo shaqeeyo.

Inkastoo xaalada degmada Dhuusa-Mareeb tahay mid degan .haddana waxaa wali taagan khilaafka labada dhinac oo aan wax xal ah loo helin, iyadoo madaxda Ahlu Sunna siweyn uga biyo diidan yihiin ciidamada ay dowladdu geysay Dhuusa-Mareeb.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]