Isniin, Augusto, 26, 2019 (HOL)-Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya aya qasriga madaxtoyada djibouti kulan kula qaatay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Mas’uuliyiintan ayaa iska xogwareystay arrimaha xiriirka labada dal oo ah wadamo walaalo ah,iyo kaalinta dowladda Jabuuti markasta ay la garab taagantahay Soomaaliya.
Sidoo kale Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatey Guddoomiyaha Barlamaanka jabuuti Mudane Maxamed Cali Maxamed.
Mas'uuliyiintaan ayaa kulankooda uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriinka labada Baarlamaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]