4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2019
Madaxweyne Deni'' Waxaan diyaar u nahay in aan martigalino kulan looga hadlayo Maqaamka Muqdisho

 

Axad, Augusto, 25, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in ay diyaar u yihiin  marti-galinta klulan looga hadlayo Maqaamka Caasimada Muqdisho.

Madaxweyne Deni oo khubad ka jeedinayay furitaanka kulan Dood ah oo maanta lagu qabtay Garowe ayaa  sheegay diyaar u uihiin in Garowe lagu qabto shirka looga hadlayo Maqaamka Muqdisho oo ka mid ah qodobada aadka looga doodo ee mar walba  soo noqnoqda.

“Waxaan jeclaan lahaa in aan halkan ka sheego in Puntland marti  geliso qodobada aadka looga doodo ee ah Maqaamka Muqdisho in Garoowe  looga hadlo, Muqdisho waa magaala madaxda Soomaaliya, waa magaalada  astaanta u ah Qaranka Soomaaliyeed, maqaamkeeda inuu dood aan dhamaaneyn  ku jiro aad ayay noo dhibeysaa xaqiiqdii”ayuu yiri Madaxweynaha  Puntland.

Waxaa uu sheegay in qodobka maqaamka Muqdisho inay noqoto dood furan oo aan cidi cidi la sheeganeyn, Soomaalida oo miir qabta isu timaado, isla markaana laga soo fogeeyo Muqdisho.

Mar dhinaca kale uu soo hadal qaaday arrinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo uu   xusay inay tahay caqabad hortaagan Dastuurka.

“Arrinta Somaliland iyo Somalia iyadana waa caqabad kale oo hor taagan dastuurka aniga saas uma dhigaayo in Somalia iyo Somaliland la yiraahdo, waxa qaba walaalaheena gobolada waqooyi jira ama Maamulka Somaliland in ay Garowe yimaadaan oo doodaha ay qabaan soo dhoweystaan”ayuu yiri Saciid Deni.

Waa markii ugu horeysay oo Puntland oo hadal qaado Doodda ku saabsan Maqaamka Muqdisho iyadoo maalmihii ugu danbeeyayba dooddasi heyd mid soo jiitameysay oo siyaasyiin badan oo Soomaaliyeed daneynayaa in laga wadahadlo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]