4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2019
Ururrada Bulshada rayidka oo QM ugu baaqay in ay la socto dhaqdhaqaaqa Kenya ay ka wado gudaha dalka Soomaaliya


Axad, Augusto, 25, 2019 (HOL)-Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xubno ka tirsan Ururrada bulshada rayidka, ayaa lagu cambaareeyay fara-galin sida ay sheegeen dowladda Kenya ay ku heyso Arrimaha gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada Badda iyo Bariga.

Kulanka ayaa waxaa khudbado ka jeediyay lagu dhaleeceynayo dowladda Kenya ka jeediyay xubno ay ka mid ahaayeen C/qaadir Ibraahim Gacal Abkoow, Xaliimo  Jaamac Afrax,Caasho Cismaan Ugaas,iyo Maxamed Cilmi oo dhamaantood  sheegay in sababta Kenya ay ugu tartameyso kursiga xubnaha aan joogtada aheyn ee Qarramad Midoobey tahay in ay fursad u hesho ku sii lug lahaanshaha siyaasadda Arrimha gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay dhawaan dalab uga yimid xubno ka socda midowga Africa oo ka codsaday dowladda Soomaaliya in ay dhaxdhaxaad laga galo muranka badda ee kala dhaxeeya dowladda Kenya, waxaana Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya sheegtay in ay ku kalsoon tahay go'aanka ay Arintan ka gaarto maxkamada Cadaallada dunida ee ICJ.

Xubnaha Ururrada bulshada rayidka ah ee ku shiray Muqdisho ayaa Qarramada Midoobey ugu baaqay in ay si gaar ah ula socto dhaq dhaqaaq-yada ay waddo dowladda Kenya, kuwaasi oo ay ku sheegeen in saldhig ay u yihiin sidii loo curyaamin lahaa danaha umadda Soomaaliyeed.

Kenya ayaa lagu eedeynayaa in ay mas'uul ka tahay burburinta xarumo ay leeyihiin qaar ka mid ah shirkaddaha Isgaarsiinta Soomaaliyeed ee ku yaala gobollada Koonfurta, waxaana arintan cambaareeyay ka hadlay dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay baareyso dhacdadii ugu danbeysay oo ay ciidamada Kenya ku burburiyeen xarunta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee deegaanka Caws-Qurun ee gobolka Gedo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]