Taliyaha Ciidanka Militeriga Somaliland oo ka hadlay ciidamo ka goostay oo ku biirey Puntland
Axad, August, 25, 2019 (HOL) –Taliyaha Guud ee ciidanka Militeriga Somaliland Sareeya
Gaas Nuux Taani ayaa ka hadlay ciidamo ka goostay Somaliland oo ku biirey
Puntland iyo arrinta kornayl Siciid Caare oo isna hore uga tirsana ciidanka
Somaliland.
Taliye Nuux Taani ayaa sheegay in
ciidamadii ka goostay Somaliland ee joogay Badhan aanay qaranka waxba ugu
filnayn, isla markaana mushahar bilaash ah uun qaadan jirey, waxaanu sheegay in
deegaanka ku masruufi jireen oo ay ahaayeen ciidamo deegaanka u qoreen balse
aan hawlgalada ciidanka aan gali jirin.
“Ciidamada la sheegay waxay ahaayeen kuwo deegaankaasi laga
qarameeyey oo aan qaranka hawl u qaban jirin oo halkaasi uun lagu masruufo,
wali wax hawlgal ah oo ay qabteen ma jirto, waxaanu ku nidhi Badhan taga waxa
ay yidhaahdeen heshiish baa naga dhexeeya Puntland oo ah in aan la is weerarin
sidaasay ku diideen amarkii la siiyey, qarankana uma baahna lacag bilaash ah oo
la bixiyo, qofka lacag la siinaya waa in wixii lagu siiyey ku qabtaa sida
ciidamada kale u shaqeeyaan oo kale, hadii aanu waajibkii fulin Karin maaha
inuu ciidanka ku sii jiro waana ku faraxsanahay inay iska tageen waayo lacag
bilaash ah ayuun bay qaadan jireen, dadka caykaasi ah inay ka tagaan waa
muhiim.”ayuu yidhi taliye Nuux.
Waxaanu intaas ku daray
“CIidankaasi wax kharash ah mooyee wax ay nagu tarayeen ma jirto, marka looma
baahna kuwo tagay kuwo aan waxba qabana anba waanu eryi ama iyaga iska tagi ama
qarankay u shaqayn, laakiin isku dul
noolaan dambe jiri mayso.”
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay
kornayl Caare oo jabhad ka samaystay gobolka Sanaag, waxaanu yidhi “Caare wuxuu
ahaa korneyl ka tirsan ciidanka nin dhib badan buu ahaa, wuxuu ku xidhnaa miiskan saraakiisha isagoo
loo haysto afar nin dilkood, rag baa u ololeeyey oo ha la siidaayo yidhi wali
sidii buu kiiskiisii u yaala maxkamadda,
isagoo wali jooga ayaa abaanduule laga dhigay, markii dambana wuxuu dhacay
mushaharkii ciidanka oo uu dhexda u fadhiistay hadana wuxuu tagay Puntland
dadka uu gacantiisa ku dilay toban qof kama yara haday ciidan tahay iyo haday
tahay shicib, Caare waa dambiile qaran oo waliba ku dhiiran inuu geesi yahay ,
waa nin Sool iyo Sanaagba dhibaato badan ka gaystay “
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.