4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 25, 2019
Howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

 

Axad, Augusto, 25, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in howlgal ay wada jir u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ah lagu dilay xubno isugu jira saraakiil iyo dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab

Howlgalkan oo gaar ahan laga fuliyay deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu waramayaa in ciidamada wadajir ah u dhaceen saldhig ay halkaa ku lahaayeen Al-shabaab halkaa lagu dilay ilaa 18 dagaalyahan oo ku sugnaa saldhiga.

Xubnaha halkaa lagu dilay ayaa waxaa ka mid ahaa Sarkaal magaciisa lagu sheegay Maxamed  Dhuuboow oo ka mid ahaa Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo ka hadlay howlgalkan la sheegay in looga dilay saraakiil iyo dagaalyahanno ku sugnaa saldhig ay ku  lahaayeen degmada Sablaale.

Maalmihii ugu danbeeyayba gobolka Shabeellaha hoose waxaa ka jira howlgalo ay fulinayeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwo Mareykan ah, meelaha qaarna waxaa ka dhacay iska horimaad xooggan oo dhaxmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]