Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka oo la shiray axsaabta siyaasadda dalka
Sabti, Augusto, 24, 2019 (HOL)-Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxa ay Hotelka SYL kula shireen axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka.
Kulanka uu guddiga la yeeshay axsaabta siyaasadda ee ka jira waxaa shir gudoominaayay guddomiyaha guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar
Xaaji.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa siddii uu guddiga u dhagaysan lahaa wax-yaabaha ay ka qabaan Axsaabta siyaasadda dalka shariciga doorashooyinka qaranka ee uu xilligaan ka gacanka ku haayo diyaarintiisa Guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka.
Qaar ka mid ah madaxdii ka socotay Axsaabta siyaasadda ee ka jira
dalka ayaa guddiga kaga mahad celiyay sida ay uga talo galiyeen
diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee haatan horyaalo Golaha
shacabka.
Guddiga ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ay kulamo la yeelanaayay qeebaha kala duwan ee bulshada si ay uga dhageeystaan aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka Qaranka.
Guddiga iyo axsaabta siyaasadda ee ka jira dalka ayaa ku balamay in ay yeeshaan kulan kale oo ay aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka
qaranka uga wada hadlayaan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]