Xarun cusub oo ay ku shaqeyn doonto Jaamacadda Jobkey oo la dhagax dhigay
Sabti, Augusto, 24, 2019 (HOL)- aamacadaha Jobkey oo ka mid ah Jaamacadaha ka hana qaaday dalka ayaa xarun weyn ka dhisaneysa magaalada Muqdisho, iyadoo xaruntan ay tahay mid casri ah oo ku fadhida dhul baaxad leh.
Xaruntan weyn oo laga dhisayo deegaanka Garasbaaley ee
duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhagax dhigay Guddoomiyaha Jaamacadda
Jobkey Cabdicasiis Caagane Cabdisamad.
Dhismaha Xaruntan Jaamacadda Jobkey ayaa waxaa fulineysa
Shirkadda dhismaha ee Hornstar Construction iyo Contracting Company oo ay ka
howlgalaan Ingineero iskugu jira Soomaali iyo Shiines.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay maanta inaan dhagax dhigo
dhismaha xarunta dhexe ee Jaamacadda Jobkey, runtiina mashruucan waa mid aad u
weyn oo muddo fog laga soo shaqeynayey, dedaal iyo juhdi baddana la geliyey”
ayuu yiri Gudoomiyaha Jaamacadda
Waxaa uu sheegay in la sameeyey naqshada cusub ee loo dhisi
doono xarunta cusub Jaamacada oo uu sheegay iney tahay mid casri ah, wuxuuna
xusay in la dhisayo afar qeybood oo waaweyn oo iskugu jira fasalo iyo xafiisyo
loogu talo galay iney degaan Kuliyadaha Jaamacaddu ka kooban tahay, wuxuuna
hoosta ka xariiqay ineysan jirin cid ka gacan ka siisay dhaqaalaha faraha badan
ee ku baxaya mashruucan, ayna isku tashadeen ka jaamacad ahaan.
“Fasalada mashruucan lagu dhisayo waxay gaarayaan 120 iyadoo
midkiiba loogu talo galay iney fariistaan illaa 50 arday, taasoo u dhiganta in
halkii gelin ay wax ku baran karaan arday tiradoodu gaareyso 7,400 dhulka aan
heysano waxaan %60 u reebnay in mustabalka laga dhiso dhismayaasha ay seexan
lahaayeen ardayda ajaaniibta ah iyo Soomaalida kale ee gobolada dalka uga
imanaya iney wax ka bartaan Jaamacadda” ayuu yiri Caagane oo xusay in sameynta
naqshada cusub ee loo dhisayo xarunta Jaamacada ay dejiyeen khubaro isugu jira
Soomaali iyo Shiines.
Guddoomiyaha Jaamacadda ayaa ugu dambeyn u mahad celiyey
masuuliyiinta, Macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda oo uu sheegay iney qeyb weyn
ka qaateen fulinta mashruucan, la’aantoodna ay adkaan laheyd in heerkan la soo
gaaro.
Jaamacadda Jobkey oo la aasaasay 10 sano ka hor ayaa waxaa
ka aflaxay mudadii ay jirtay kumanaan arday oo maanta ka shaqeeyo heyaddo kala
duwan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]