Xafiisyada ka wakiilka ah Maraakiibta Berbera oo aqbalay in ay hoos u dhigaan qiimaha laga qaado ganacsatada
Sabti, August, 24, 2019 (HOL)–Murankii ka jiray xafiisyada wakiilada Maraakiibta Berbera iyo wasaaradda Ganacsiga ayaa maanta la soo afjaray ka dib markii muddo laba cisho ah sameeyey shaqo joojin.
Wakiilada Maraakiibta ayaa dadka
ganacsatada ah ka qaadi jirey lacag badan, waxaanay dawladdu soo saartay
wareegto ah in aanay ka badin lacagta ay qaadaan $85 dollar, haseyeeshee waxay
ku doodeen in aanay lacagtaasi ku shaqayn Karin, sidaas darteed ay shaqadoo
joojiyeen, taas oo xukuumaddu ku soo saartay amar ah hadii la furi waayo
xafiisyada in xafiisyo kale rusqado loo siin doono, xafiisyadoodana la xidhi
doona.
Xafiisyada wakiilada maraakiibta
Berbera ayaa wasaaradda Ganacsiga ka codsaday in mudda ay ku bedelayaan
qiimihii hore loo kordhiyo, taas oo loo ogolaaday in sabtidda soo socota
qiimaha ay dadka ka qaadi doonaan laga dhigo $85 dollar, mudadaasi la siiyeyna
ay nidaamka ay ku shaqayn jireen ku
fadhiisiyaan lacagta cusub ee dawladu go aamisay taasi oo khasab ku noqotay
inay ku qanciyaan Shirkadaha caalamiga ah ee ay wakiilada u yihiin.
Dhaqangalka wareegtada Wasaarada
Ganacsiga ay fursada ganacsi ama tartan ganacsi u samayn doonta tujaarka
doonaysa inay badeecadaha dalka dibidiisa ka keenaan.
Gudoomiyaha rugta ganacsiga
Somaliland Jamaal Caydiid ayaa sheegay in amarkii dawladdu sidaas ku hirgalay,
isla markaana hoos loo dhigay qiimihii koontiinarada laga qaadi jirey markii
hore.
““barigii hore ganacsatada waxa
laga qaadi jirey hadii uu koontiinar la soo dego iyo hadii uu boqol la soo dego
waxa halkii koontiinar loogu dhufan jirey ka labaatanka ah fuudhka ah 85 dollar, hadii uu 40Ft yahayna 155 dollar, maanta waxa laga qaadaya hadii uu
boqol la yimaado iyo hadii uu toban la yimaadaba 85 dollar, markii ay
xukuumaddu baadhis ku soo samaysay qiimaha dekadaha kale ee la jaarka ahi
qaadaan la ogaaday in dekadaha jaarka ah laga qaado 85 dollar, shir dheer oo
saaka wada galnay waxay aqbaleen inay wakiiladii maraakiibtu hawshaasi
fuliyaan, qiimaha la jabiyey waxay tahay mid usoo korodhay shacabka oo
ganacsatadu way jabinayan qiimihii ay wax ku iibin jireen”ayuu yidhi
gudoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid.
Xafiisyada wakiilada ayaa saaka
shaqdii bilaabay iyagoo ka cabsi qaba ina meesha laga saaro hadii ay amarka
dawlada qaadan waayaan, waxaanay xukuumaddu sheegtay in dekadda Berbera oo
kaliya laga qaado lacag badan, halka dekadaha jaarka lacag intaas ka yar loogu qabto adeega dadka loogu qabanayo .
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland