4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2019
Ciidanka Kenya oo bur buriyay xarun shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku leedahay gobolka Gedo

 

Sabti, Augusto, 24, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya burburiyeen maalintii shalay  August 23, 2019 xauntii Shirkadda Hormuud ee Tuulada Cowsqurun oo hoos tagta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Wararku waxaa ay sheegayaan ciidamada Kenya gubista xarunta u adeegsadeen qaraxyo ay ku xireen dhammaan derbiyada dhismaha iyagoo kaddibna qarxiyey, waxaana goobta ku  bas beelay dhismihii Shirkadda iyo qalabkii yiiley oo ka koobnaa BTS,  Links, 2 Motors, Tower & Agabkii kale ee shirkadda yiilay.
 
Ma  jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay burburinta xaruntan, waxaase  ay dhibaato nololeed ku reebtay Isgaarsiin la'aani heysataa bulshada ku  nool deegaanka Cowsqurun iyo Tuulooyinka ku hareereysan.
 
Mas'uul u hadlay shirkadda ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in  ciidamada Kenya burburiyeen xarun shirkaddoodu ku leheed deegaankaasi 
 
Kenya ayaa sanadihii ugu danbeeyayba burburin ku waday xarumaha shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud sida: Jaldeys, Cali  Buley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley iyo Dhamase oo ka kala tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay in Kenya ay kala hadashay burburinta xarumaha shirkaddaha Isgaarsiinta gaar ahaan shirkadda Hormuud.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]