4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2019
Dalal Yurub ku yaalla oo oggaaladay muhaajiriin go'doon ku jiray

Sabti, Augusto, 24, 2019 (HOL)-  356 muhaajiriin Afrikaan ah oo ku go'doonsanaa markab badda Talyaaniga ku sugnaa ayaa hadda helay war ay ku farxaan.

Dadkan ayaa horey loogu diidday inay gudaha u galaan dalalka Yurub, balse lix dal oo qaaradda ka tirsan ayaa hadda shaaciyay inay oggaalaadeen muhaajiriinta inay qaabilaan.

Dalalkan ayaa kala ah  Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Luxemberg, Portugal iyo Rumaaniya. Muhaajiriinta intooda badan oo ka soo jeeda dalka Suudaan ayaa billaabay damaashaad iyo heeso markii ay maqleen in la qaabilayo.

Sannadihii u dambeeyay dalalka Yurub ayaa ku dhibtoonayay boqollaalka muhaajiriinta ah ee sida joogtada ah u tagaya dalalka, balse muddooyinkii dambe dalka Talyaaniga oo marinta ugu badan ee muhaajiriinta ay ka galeyeen Yurub ayaa diiddana inay u oggaalado dadkaas inay xeebihiisa soo gaaraan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]