4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2016
SAWIRRO: Guddoomiyihii Jaamacada Muqdisho oo loo Sameeyay Xaflad uu Xilka ku Wareejiyay
Sabti, September 03, 2016 (HOL) — Xaflad uu xilka ku wareejiyay Guddoomiyihii hore ee jaamacadda Muqdisho, Dr. Cali Sh. Axmed Abuubakar, ayaa maanta lagu Qabtay Hoteelka Jaziira ee Muqdisho, taasoo ay ka Qayb-galeen Mas’uuliyiin ka kala socotay Baarlamaanka Federaalka, Safiirro, Bulshada Rayidka ah, Aqoon-yahano iyo Mas’uuliyiinta Jaamacaddaha Dalka.

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cabdiraxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyow) oo goobta ka hadlay ayaa ku tilmaamay Xil-wareejintaan mid Taariikhi ah oo cashar-wanaagsan u ah Dadka xilalka haya, wuxuuna guddoomiyihii hore Dr. Cali Sheekh ku tilmaamay halyeey ummaddiisa wax wayn u qabtay.

Sidoo kale, Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar oo isna hadlay ayaa u mahad-celiyay maamulka sare ee Jaamacada iyo dadkii lasoo shaqeeyay mudadii uu xilka haayay, wuxuuna si gaar ah ugu mahad-celiyay shacabka Soomaaliyeed oo uu xusay inay si wanaagsan u garab-istaageen Jaamacadda Muqdisho.

"Dalka Somalia Jaamacadda Muqdisho waxay u abuurtay rajo ballaaran oo ay dad badan dalkooda ku aamineen dibna ugu soo laabteen," ayuu yiri gudoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cali Sh. Axmed Abuubakar. Isagoo intaas ku daray in inaysan jirin cid uu ku taageerayo in jaamacad si khalad ah loo furay, laakiinse mar kasta waxaan ku dhiirri-gilin jirnay buu yiri in la furo jaamacado tayeysan.

Guddoomiyaha Cusub ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal Cali ayaa isagana wuxuu u mahad-celiyay Golaha Sare ee Jaamacada iyo Guddoomiyihii hore, Dr. Cali Sh. Axmed Abuubkar isago yiri. "Guddoomiyihii hore ee maanta xilka wareejiyay wuxuu noo gardaadiyay sida ubad oo kale, wuxuu lahaa hami Qaran oo weyn, waxaana ballan-qaadaynaa in hawshan aan sii wadno aniga iyo inta kale ee ila shaqeynaysa muddada shanta sano ah ee soo socota, si aan u gaarno yoolka ay Jaamacadda higsanayso, si tacliin sax ah oo tayaysan loo gaaro, Arday tayo lehna loo soo saaro.”

Waxaa kaloo hadlay, Dr. Maxamed Axmed Jimcaale oo ah Guddoomiya Jaamcadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), wuxuuna ku tilmaamay Guddoomiyhii Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cali Sh. Axmed Abuubakar inuu ahaa Aabbihii tacliinta Soomaaliyeed xiligii burburka oo uu ku fikiray in uu waxbarasho sare ka billaabo Somalia xilli aan lagu fakiri karin in la sameeyo hawshaas.

Danjiraha Somalia u fadhiya Dalka Koonfur Afrika, Jamaal Maxamed Barrow oo ka hadlay isaguna goobta ayaa yiri. "Guddoomiyihii hore ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cali Sheekh waxaan is-barannay 1992-kii xilligaas waxaa Soomaaliya ka jiray caga-bararka ama Gaajadii aadka u darnayd, si ra'yigii markaas jiray loo beddelo wuxuu aasaasay Wargeyskii Al-Ummah, markaas kaddib ayaa lagu fikiray in Jaamacadda Muqdisho la furo oo aan gonahay inay Somalia wax wayn ka bedeshay."

Xildhibaan Cismaan Dufle ayaa isagana ku tilmaamay goddoomiyhii Jaamacadda Muqdisho halyeyga ummada Soomaaliyeed marka la eego dhanka Waxbarashada, hogaaminta iyo horumarinta aqoonta, isagoo xusay inuu jaamacadaha dalka qaar ka mid ah u fududeeyay inay ku biiraan Ururka Jaamacadaha Carabta, wuxuuna u rajeeyay guul.

Ugu dambeyn, Xubnihii kale ee goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Nuur Tarzan, Jen Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde iyo Asli Ismaaciil Ducaale. Waxaana gaba-gabadii xafladda shahaado-sharafyo la guddoonsiiyay Gudoomiyhii hore ee Jaamacadda Muqdisho, Dr. Cali Sh. Axmed Abuubakar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya