4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2016
Madaxweyne Mugabe oo Dalkiisa ku laabtay, Sheegayna inuu dhintay uuna Dib u soo noolaaday
Sabti, September 03, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa ka dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Harare ee Xarunta Dalkaas, kaddib markii ay soo baxeen warar xan ah oo sheegayay inuu xanuun daran qabtay oo uu gargaar caafimaad u aaday magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta. kaddibna uu halkaas ku geeriyooday.

Robert Mugabe oo 92-sano jir ah, isla markaana ah Hoggaamiyaha ugu Da'da weyn Afrika,  ayaa Waxaa ka muuqday is-beddello weyn markuu saakay ka dagay Daroonka Diyaaradaha Harare, isagoo ay wehliyeen saraakiishisa ammaanka.

Sidoo kale, Mugabe ayaa u sheegay War-fidiyeenka inuu u aaday Magaalada Dubai arrin ku saabsan Qoys, gaar ahaan mid ka mid ah ilmihiisa, isagoo aan bixin faahfaahinno intaas ka badan.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Zimbabwe oo Dalkaas Xukumayay muddo 40-sanadood ah oo soo xiganayay Wararka la isla dhex-marayay oo saxaafada qaarkeed ay kusoo daabaceen bogaggooda Internet-ka oo ahaa inuu u dhintay xanuun ayaa si kaftan ah u yiri. "Haa… Waa run anigu waan dhintay, hadana dib ayaan u soo noolaaday, sidaan mar walba sameeyo, gaar ahaan markaan dib ugu soo laabto wadankeyga waana dhab.”

Cumar Muxumed Maxamed (Kiyow)
E-mail: [email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika