4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2016
Wasaarada Arrimaha Gudaha SL oo ka Hadlay Deegaanno Doorasho oo lagu Muransan yahay
Sabti, September 03, 2016 (HOL) — Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa maanta wada-galay shir saddex goosood ah oo ay isugu yimaadeen Gudigga Doorashada, Xisbiyada Qaranka iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, kaasi oo ay kaga arrinsanayaan lix goobood oo ku yaalla waqooyiga Hargeysa oo goboladda qaarkood ku muransan yihiin cidda ay raacayaan ama hoos tagayaan.

Lixdan goobood ayaa muran ka dhex abuurtay beelaha wada dega ee waqooyiga ka dib markii ay isku qabsadeen goboladda Maroodi jeex, Awdal iyo Saaxil oo gobol waliba ku doodayo deegaanka ay raacayaan.

Sidoo kale, Lixdaan goobood ayaa doorashooyinkii Somailand ka dhacay aanay doorasho ka  dhicin, isla markaana la xayiray wakhtigii dawladdii Daahir Rayaale Kaahin, kuwaas oo marna aan helin xaquuqdii ay wax ku dooran lahaayeen ama lagu dooran lahaa, iyaddo wasaaradda arrimaha guduhuna ku guul daraysatay inay gobol raaciso.

Hase yeeshee, wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in lixdaasi goobood si madax banaan ah looga samaynayo diiwaangelin, kuwaas oo codeyn doonna doorashadda madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, balse aan codeyn doonin doorashooyinka xildhibaanadda golaha deegaanka iyo baarlamaanka, maadaama oo gobol-na wali aan la raacin.

Balse, go’aankan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha waxa qaadacay xildhibaanadda baarlamaanka ee gobolka Awdal ka soo jeedda oo ku doodaya in dadkii deegaanku ay hore iskaga diiwaangeliyeen goboladda la dariska ah lixdan goobood, sidaas darteed ay aan diiwaangelin ka dhicin Karin illaa gobolka Awdal la raacinayo.

Wasiirka Arrimaha gudaha Farotoon ayaa ka hadlay ujeedadda uu daarnaa  shirkan saddex geesood ahaa  ee ay wada galeen wasaarada Arrimaha Gudaha, hogaanka saddexda xisbi qaranka iyo guddida doorashooyinka .

Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa sheegay sheegay in la isku afgartay in diiwaangelintu ka qabsoonto, isla markaana amniga iyo nabadgalyadda deegaankaasi ay u xil saaran tahay sugideedda wasaaradda Arrimaha Gudaha.

“Saaka waxa wasaarada arrimaha gudaha ku qabsoomay shir ay ka qaybgaleen Wasaaradda arrimaha gudaha, guddida doorashooyinka iyo asxaabta qaranka, wuxu ku saabsanaa arrinta diiwaangelinta lixda goobood ee waqooyiga, arrinta iyada ah Af-garad wanaagsan ayaa laga gaadhay, Waxaa la isla gartay in Arrintaasi ay leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Doorashooyinka oo u Xil-saaran Hawlaha diiwaan-gelinta, si buuxda ayaa la iskula afgartay sidaas ayaana lagu soo dhameeyay,” ayuu yiri Farotoon wasiirka arrimaha gudaha.

Isagoo intaas ku daray. “Waxaa lagu soo dhameeyey in wasaaradda arrimaha guduhu sugto amniga oo si nabadgalyo leh uga dhacdo diiwaangelintu, komishanku hawshoodda gutaan”.

Si kastaba ha ahaatee, lixdaan goobood ayaa si weyn loogu muran yahay gobolka raacayaan, iyagoo dadka deegaanka laftooddu ku kala duwan yihiin, haseyeeshee, muddo dheer ka dib waa markii ugu horeysay ee deegaankaasi diiwaangelin ka dhacdo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland