4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2016
SAWIRRO: Boqollaal Arday ah oo ka Qalin-jabiyay Jaamacadda Somalia ee Magaalada Muqdisho
Sabti, September 03, 2016 (HOL) — Xaflad Qalin-jabin ah ayaa loogu sameeyay Muqdisho tiro ka badan - 533-ardey oo dhameysatay Waxbarashadii Jaamacadda Somali International University (SIU), waxaana ka Qayb-galay xildhibaano, wasiiro, siyaasiyiin, mas’uuliyiin ka socday Jaamacado ku yaala Ugnada iyo Kenya, waalidiin  iyo ardaydii qalin-jabisay.

Waxaa furiaankii xafladda ka hadlay, Guddoomiyaha Guddiga Jaamacadda SIU, C/raxmaan Jaamac Ducaale oo yiri. “Jaamacadda waxaa maanta ka qalin-jabinaya ardey gaaraysa 533, kuwaasoo dhameystay kulliyadaha; Social Science, Business Administration, Sharai And Law, General Medicine & Surgery, Nurses, English, Information Technology iyo Midwifery, muddo dheerna waxbarashda soo waday, isla markaana loo dhameystiray agabkii waxbarsho ee ay u baahnaayeen.”

Sidoo kale, Munaasabaddaan Qalin-jabinta ah ee Jaamacadda SIU, ayaa waxaa lagu marti-qaaday Mas’uuliyiin Sare oo ka tirsan; Kenyatta University, Nairobi University, Makarere  Universty,  Guluu Universty iyo Embarere University , waxayna halkaas ka sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin inay maanta goob-joog ka noqdaan arday Jaamcadda SIU ka qalin-jabineysa, Waxayna hoosta ka xariiqeen in Qalin-jabintaan ay Tusaale u tahay sii Xoojinta xiriirka Jaamcadda SIU iyo Jaamacadaha Uganda iyo Kenya .

Xubnihii kale ee goobta ka hadlay Waxaa ka mid ahaa; Wasiir ku xigeennada Caafimaadka iyo Waxbarashada, Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo) iyo Xaamud Cali Xasan, Waxayna sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo dhaweyneyso Ardey intaan la’eg  inay maanta dhameystaan waxbarashadooda, iyagoo ku boorriyay ardayda inay Wabarashadooda sii wataan illaa ay ka gaaraan meel sare.

Dhanka kale, Yaxye Cali Ibraahim oo ka mid ah Aas-aasayaashii Jaamacada SIU oo isagana ka hadlay xaflada ayaa yiri. “Ujeeddadii loo aas-aasey Jaamacadda Maanta waxaad moodaa in inta badan laga mira-dhaliyey, wixii ka dhimana waxay ballan-qaadeysaa Jaamacada inay dhameystirto si loo gaaro hadafkii markii hore loo aasaasay Jaamacadda oo ah in Ummadda Soomaaliyeed ay helaan Waxbarasho sare.

Xildhibaannad Maryan Cariif Qaasim oo ah guddoomiyaha guddiga dastuurka Baarlamanka  Federaalka oo Xaflada ka hadashay ayaa tiri. “Maanta waxaa ii rumowday riyadaydii ahayd in ummadda Soomaaliyeed ay waxbarasho ku filan helaan, si loo cirib-tiro jahliga oo aan ku Tilmaami karo mid Ummaddeenna Dib u dhigay, isla markaan ay wax ula Qaybsan waayeen Dadyowga kale ee Dunida.“

Ugu dambeyn, Munaasabada ayaa waxaa soo gunaanaday Wasiirka Ganacsiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, C/rashiid Maxamed oo mahad-celin kaddib sheegey in Jaamacadda  SIU ay ku  guuleysatay inay xiriirro la sameysto Jaamacadaha caalamka qaarkood, wuxuuna ugu baaqay mus’uulliyiinta Jaamacadda in ay Xiriirkaas ballaariyaan si Jaamacaddu u hesho macallimiin tayo leh. Iyadoo intii ay socotay Xafladan Ardeydii dhameystay Waxbarashada  halkaas lagu guddoonsiiyay Shahaadooyinkoodii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya