4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 3 , 2016
Beesha Caalamka: Waxaan bixinay inta badan Dhaqaalaha Doorashooyinka Somalia ku baxaya
/images/2015/aug/Beesha_Caalamka_Warsaxaafadeed_660.jpgSabti, September 03, 2016 (HOL) — Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay bixisay qarashkii ay ugu Talo-galeen Doorashooyinka lagu wado in ay Dalka Ka dhacaan Sannadkan lagu jiro daba-yaaqadiisa.

Warbixin ay si Wadajir ah u soo Saareen; QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Boqortooyada UK, Mareykanka, Sweden iyo Talyaaniga, ayaa lagu sheegay inay bixiyeen dhaqaalihii doorashooyinka Somalia 60%, si loo sii wado hawlaha la xiriira doorashooyinka.

Qoraalkan kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu xusay inay muhiim tahay in hore loo sii wado qorshayaasha doorashooyinka dalka, isla markaana aan lagu mashquulin waxyaabaha dib u dhac ku keeni kara Doorashooyinka soo socda.

Sidoo kale, Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa iyagana loogu baaqay inay ilaaliyaan waqtiga doorashada, iyadoo lagula taliyay in Doorashada Aqalka sare iyo kan hoose ee baarlamaanka iyo doorashada Madaxweynaha ay ku dhacdo xiligii loo qabtay.

“Innagu waxaan qabnaa inay muhiim tahay in shaqada doorashooyinka billowdaan si ay ugu dhacaan xilligii loo qoondeeyay,” ayuu warbixinta ku yiri Ergayga QM ee Somalia, Michael Keating.

Dhanka kale, Danjire Keating ayaa sheegay in Somalia ay galayso marxalado kala guur ah, Sidaas awgeedna, waxaa loo baahan yahay buu yiri in si wadajir ah looga wada qayb-qaado hawlaha Doorashooyinka Somalia.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Somalia iyo Beesha Caalamka ayaa horay isugu hayay dhaqaalaha ku baxayay Doorashooyinka la filayo in Dabayaaqada Sannadkan 2016-ka dalka ka dhacaan, Waxaana Mas’uuliyiinta Dowladda Somalia ay codsatay inay Beesha Caalamka bixiso Dhamaan dhaqaalaha ku baxaya Doorashooyinka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya